Created by Miguel Pinho
SOMALI LINKS

AQRISO) jaceyl layaab leh: Dalka Japan lamaana yaasha is jecel waan in ay indhaha carabka isku marayaan

Qofba si ayuu ku cabiraa dareenka jaceylkiisa, qof baa jira hadalo ka cabiro laakiin dalka Japan lamaana yaasha is jecel markii ay rabaan in ay is dhahaan si dhab ah ayaan kuu jeclahay waa kuwa indhaa barta madow carabka isku mariya taas oo la micno ah “i love  you”.

dhanka kale jaceylka sida qaabkaan la iskuugu muujiyo waa mid ku baahsan guud ahaan dalka japan, dadka ku cusub dalka Japan aan hore ula socon hadii uu indhihiisa qabtaan laba ruux oo isha carabka isku marinaya wuxuu u qaadanayaa in ruuxaas indhaha wax ka galeen kan kalane uu ka soo saari rabo balsa xaalka sidaas ma ahan waa dad jilaya romantic iskuna muujinaya in dareenkooda jaceylka dhab ka yahay.

dhinaca kale Caafimaad ahaan isha oo carabka la isku mariyo dhaqaatiirta dalka Japan way ka digeen iyaga oo sheegay in ay ka dhalan karaan cuduro wax yeelo ba’an u geesan kara ruuxa indhihiisa.

Dr David Granet oo dhaqtar ku xeel dheer cudurada indhaha ku dhaca ayaa sheegay in ay ka dhalan karto indhaha oo carabka la isku mariyo bakteeriya.

Ugu dambeyntii Arintaan ka soo shaac baxday dalka Japan ayaa laga baqayaa in ay sameen wayn ku yeelato wadama badan, wadamada aadka uga feejigan in ay soo gaarto qaabkaan cusub ee jaceylka la iskuugu muujiyo waxaa kamid ah dalka USA kaas oo  dhaqaatiirtiisa uu kamid yahay  Dr David Granet oo ka digay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>