Topnews: Dahir Alasow Oo Siro Badan Kashifay “Socdaalkeygii Brusseles – Ninkaan soo arkay iyo Kaadiriinta Dam Jadiid ! Cagaha ka tun Sahal Daarood iyo Isaaq ?”

Muxubo aan Dowlad Soomaaliyeed u qabo iyo shaki laabteeyda ka buuxay ayaan ugu baqoolay Hotelkii ay Brusseles ka deganaayeen Madaxweyne Hassan Garguurte iyo wafdigii ku wehliyay safarkiisa.

 

Xilli Barafkii dhacayay feeray oo Cad ceed kulul bedeshay ayaan ka dhaqaaqay Magaalada aan Holland ka deganahay ee Breda.waxaana Hotel Grand ku gaaray socdaal igu qaatay halsaac iyo lixdan daqiiqo.
Anigoo raadinaya Wasiirka Madaxtooyadda Somalia Farah Abdulkadir ayaan galay wiishkii i geyn lahaa dabaqa afaraad laakiin Leftiga ima qaadi karin xaalad amaan darteed.
Waxaan u yeeray nin ka mida ilaalada Madaxweynaha wuxuuna ii mariyay kaar uu sitay ,isagoo iila dhaqaaqay dabaqa afaraad.nasiib daro Farah Abdulkadir kuma jirin qolkiisa.
Shan daqiiqo markii aan baadigoob ugu jiray ayaa la iigu geeyay meel luuqa oo isaga iyo Kaadiriinta Dam Jadiid ku shaahayeen.
Muxubo iyo Soo dhaweeyn qiimo badan ayaan kala kulmay,dhinaca xigay Farah Abdulkadir ayaan fariistay,waxaa kursiga xigana (Soo jeedka ) Fadhiyay Nin lagu magacaabo Kamal Dahir Gutale (Ina Dahir Gacamey) oo ii sheegay inuu yahay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda.
Kamal Gutale inkastoo muuqaal nin weyn lahaa hadana wuxuu sida Caruur yar ku sheekeysanayay telefoonkiisa Facebook iyo fariimaha la isu diro.
Intuu marqura xageeyga soo jaleecay sida qof soo baraarugay ayuu igu dhahay ” Warhaye Dahir Alasow maad qolooyinka Daarood ee Ururka Sahal la baxay iyo Isaaqa cagaha ka tuntid”
Anigoo Yaaban ayaan ugu jawaab celiyay “Maxaad ku maagtay qabiilada Soomaaliyeed ?
Wuxuu iigu jawaabay miyaad ogeyn kuwa Madaxweynaha ku banaanbaxay ee Daarood micnaha Ururkooda Sahal?
maya maya ma aqaano ayaan ugu jawaab celiyay !
Wuxuu igu dhahay “S= SADE A= ABSAME H= HARTI A= AWRTABLE L= LAYLKASE = sidaasi waa SAHAL.
KAADIRIINTA DAMJADIID oo dhan waa qoslayeen ,waxay malaha qiyaastoodu ahayd inaan ka mid ahay dadka cunfiga qabyaalada dishay laakiin si aan u xaqiiqsado qadiyadooda DANLEEYDA iila muuqatay ayaan ku iri ” Ma qabiiladaas oo dhan SAHAL iyo ISAAQ ayaan garbaashnaa mise Siilaanyo iyo Faroole”
Wiilka yar ee Playboy Iigu muuqday isagoo telefoonkiisa gacanta ku mashquulsan ayuu iigu jawaabay ” DAAROOD iyo ISAAQ waa in Buul laga dhigaa”
Anigoo ka baqanaya inaan kelmad xun iraahdo ayaan ku koobay hadalkeeyga ” Aniga ma qabo Cudur qabiil,idinkuna qabiil ma meteshaan waxaadna tihiin daneeystayaal magacoodu yahay Dam Jadiid sidaas darteed wiilkaaga yar ee Xarshaashaya hadii Maskaxdaada ku jirta inaan isku qabiil nahay ,aqoontaada soo dhis,ogoowna qabiil Soomaaliyeed lagama adkaado ee shaqsi danleeya idinka camal ayaa laga adkaadaa laakiin waad ku mahadsan tahay inaad ii soo gudbisay fariinta uu Madaxweynaha la xishooday inuu afkiisa iiga sheego”
Kaadiriinta qosol ayaa jaanta la wada dhigay,waxay xiisada ka dhalatay hadalkaas nala gashay badweyn qaadatay hal saac iyo lixdan daqiiqo.
Inkastoo wiilka yar lagu yiri reernimo ula hadal Dahir uu hadalo Faan ka buuxaan soo butaacayay hadana waxaan bilaabay inaan shaaheeyga iska cabo.
Wasiir Farah Abdulkadir oo aan xalay u bixiyay { Farah Topaz) ayaa gacanta i qabtay,wuxuuna igu dhahay ,waxaa ku hor fadhisa Madaxdii Dowladda Federalka Somalia ugu sareeysay badankood ,ma waxaad aaminsan tahay in Dowladnimada naga run ahayn?
Si dhib yar ayaan ugu jawaabay ! HAA.
Wuxuu igu dhahay maxaad ku tiri ,?
Waxaan hordhigay qodobo xasaasiya?
1- In Miisaaniyad sanadeedkii Dowladda Somalia lagu sargooyay Dollar ,iyadoo Shilin Somaligii la yasay ?
2- In Awoodihii Ra”isulwasaraha uu Madaxweynaha si qaldan ugu xadgudbay.
3- In Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Ra”isulwasare ku xigeen laga dhigay haweeneey aaminsan in Somaliland iyo Somalia laba dal kala yihiin,kana aamustay markii la weydiiyay mowqifkeeda Midnimada Qaranimada Somalia.
4- In Dowladii oo shan bil jirta biloowday xirida Wariyeyaasha iyo Caburinta Saxaafadda ,iyadoo Wariye Koronto loo xiray wareysi uu ka qaaday haweeneey sheegtay in la kufsaday.
5- In Shacabkii taageersanaa Midnimada Somalia maalin walba lagu xir xirayo,dilayo degaanada Khaatuma iyo Awdal.
6- In Dowladu diiday Dhamaan maamulada ka jira dalka sida Gudoomiyaha Shabeelada hoose Sayid Cali,kan Jubooyinka Ahmed Madoobe iyo Puntland Faroole balse Wasiirka Arrimaha gudaha Warqad siiyay hogaamiye kooxeedka Cabdi Qaybdiid,kuna cadeeyay inuu Madaxweynaha Galmudug yahay ,iyadoo shacabka rabin,maamul sharciyana uu ka jira degaanka
7- In Dowladii ku aruurtay gacantiina idinkoo magaciinu yahay Urur diimeed la yiraa DAM JADIID.

Wasiir Farah Abdulkadir wuxuu igu yiri “DAHIROW HORTA RUMEYSO DOWLADNIMADA WAXAY NAGA TAHAY DHAB”
Tan Miisaaniyada waxaa dejiyay dhaqaalayahano ay ka mid yihiin Cali Ciise Cabdi iyo Cabdi Salaan sidaas darrteed waan kula qabaa in qalad weyn la galay mar hadii aan Shilin Somali lagu sargoyn Miisaaniyada Dowlada laakiin dimbigaas anaga malahin waxaa iska leh raggii dejiyay iyo Wasaaradda Maaliyadda (Wasiirka Maaliyada maaha kooxdeena)
Tan ku saabsan in Madaxweyne Hassan si qaldan u adeegsaday awoodihii Ra”isulwasaraha waa tan lagu heysto ,waana qasab in la saxo si sharciga Dowladnimo loo ilaaliyo.
Tan ku saabsan in Raísulwasare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Fawziya Haji Adam shaki geliso midnimada aniga waan kula qabaa inay Wasiirada cadeeyso qadiyadaan laakiin waa iga sareeyso kuma dheeraan karo jawaabteeda.
Tan ku saabsan Wariyaha Dowlada xirtay waxay qeyb ka tahay tilaabooyinka aan Dowladnimada ku xaqiijineyno,waa naga go-an tahay inaan xirno qofkasta oo qalad gala,aniga sharci yaqaan ayaan ahay,kuma dhahayo Wariyaha xiran waa Dimbiile laakiin waxaan go-aansanay inaan Saxaafadda hadii dimbi gasho xirno,sharciga horgeyno.
Tan ku saabsan in Shacabka taageersan Midnimada la dhibaateeyo mar walba Dowladana ka hadlin iyadana waa arrin jirta laakiin hada kama hadli karo.
In Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia warqad u saxiixay Cabdi Qaybdiid waa been,waa warqad ay kooxda Cabdi Qaybdiid been abuureen.
Tan ku saabsan in DamJadiid afduubatay Dowladnimada waa been,runa ma ahan maxaa yeelay aniga iyo Madaxweynaha maahin DamJadiid.
Wuxuu Wasiir Farah Topaz yiri ” Wasiirka Gaashaandhiga maaha kooxdeena,Maaliyadana maaha,Arrimaha dibadana maaha”
Qodobka Qaybdiid Kaadiriinta Dam Jadiid oo dhan ayaa isku raacay laakiin waxay ahayd mid xaqiiqada ka fog
Wasiirka wuxuu iska indha tiray qodobka dhigaya inaan Wariye loo xiri karin qof uu wareeystay maxaa yeelay Wariyeyaasha waxay codka siiyaan dadkaan codka laheyn.
Xantii ku xeerneed Farah Abdulkadir iyo xaqiijinteeyda.
Tan iyo Markii uu Wasiirka Madaxtooyada noqday Farah Abdulkadir waxaa sii badanayay dad ku xamanaya inuu yahay Beenloow,nin been badan taas oo aan qaadan waayay ilaa markii aan la kulmay.
Farah Abdulkadir wuxuu ku dhaartay in Wasiirka Arrimaha gudaha warqad u saxiixin Cabdi Qaybdiid,waxaana dhaartiisa ku raacay Kamal Gutale iyo Madaxweyne Hassan hasse yeeshee waxaan xaqiijiyay inuu warqadaas saxiixay Wasiir Cabdi kariim.
Intii aan la joogay wuxuu ahaa nin been badan oo Wariyeyaasha iyo dadka doonaya inay la kulmaan Madaxweynaha dhamaantood wuxuu ku lahaa waa seexday Hassan Mohamud Alasow.
Madaxweyne Hassan oo Telefoon kula hadlaya Idaacadda BBC laanteeda afka Somaliga ayuu dadka ugu dhaartay inuu seexday taas oo barasho iigu filneed Wasiir Farah Abdulkadir.
Waxaan taariikhda Farah Topaz uga sheekeen doonaa qormooyinkeeyga la magac baxay DHAB KA HADALKA TOP TEN hasse yeeshee Waxaan rabaa inaan qormadeyda sedexaad uga hadlo la kulankeygii Madaxweyne Garguurte,Khudbadiisii lagu hurdooday,Hadaladii uu ku caayay Madaxweynahii hore Shariif Ahmed kuna xaqiray waxqabadkiisii iyo wixii aan ku soo arkay indhaheeyga balse aan ku laabto Farah Topaz iyo Kaadiriinta Dam Jadiid.
Waxay ahaayeen dad ku cusub Socdaalka ama tamashleynta Yurub iyo Mareykanka,la kulmida diblomaasiyiinta dunida 1-aad iyo Dowladnimada.
Waxay la asqoobeen soo dhaweeyntii loogu sameeyay Mareykanka iyo tan Yurub.
Awood ahaan waxay aaminsanaayeen inay Buuraha daqiiqado ku burburin karaan iskaba dhaaf Bini-aadame.
Waxaan xaqiiqsaday inay isku mowqif ka yihiin Colaadinta beelaha Daarood iyo Isaaq.

Waxaan xaqiiqsaday inay noqon doonaan koox ka halis badan Al-Shabaab oo Dalka iyo dadka Soomaaliyeed si qaboow u xaraashi doona,Caburin doona Saxaafada madaxabanaan.
Waxaan xaqiiqsaday in Ujeedkooda ugu weyn yahay isku dirka iyo abuurista xiisado qabiil si beelaha madaxa la iskugu gelsho.
Wasiiradda Arrimaha dibadda Fawziya Haji Adam waxay dadkii la kulmay qaarkood u dhashay Hawiye u sheegtay in Qaybdiid loo xilsaaray arrinta Puntland si uu Majeerteenka u burburiyo ama difaac uga noqdo Dowladda.
Dadkii ku dibadbaxay Madaxweyne Hassan markii uu marayay Minnesota waxay iila muuqdeen dad qabyaalad dilootay laakiin la kulankeygii Garguurte iyo Kaadiriintiisa kadib waxaa isbedelay fikirkii aan qabay,waxaana eex iyo qabyaalad uga aamusi karin in Dam Jadiid ka shaqeeynayaan sidii Beelaha Daarood iyo Isaaq looga taqalusi lahaa ,iyagoo kadibna damacsan inay Hawiye iyo beelaha kale u jeestaan.
Somalia uma baahna hogaamiye beela iyo koox daneeystayaala hadii qabiil ku faan lagu gaari karo Dowladnimo xaaladu heerkaan liito ma joogneen sedex iyo labaatan sano kadib sidaas darteed akhristayaashiina reernimada igu tirinaya waxaan kula dardaarmi lahaa inaysan aniga ii caroon oo Cadaalad daro igu qasbin balse Madaxweynaha Cadaadis lagu saaro inuu noqdo Madaxweyne Soomaaliyeed,waana in wiilasha hoos jooga ee Fikradaha liita aaminsan laga eryo Xafiiskiisa.
Intaan Waa waajib,waana Sunaha Dowladnimo

By Dahir Alasow

 

Xigasho Waagacusub.com


Khaatumo News Online Kala soco wararkii ugu Dambeeyey

Nagala Xidhiidh E-mail ka waa - info@khaatumonews.com Ama Khaatumo.net@gmail.com

FIKIRKAAGA KA DHIIBO HALKAN HOOSE(0)




dhadhaab-500x333(1) Qorshe ay Kenya ku doonayso inay dib ugu soo celiso Qaxootiga Soomaaliya oo meel wanaaagsan maraya.
- Jun 18, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa ka dalbatay wadamada Asia in ay gacan ka gaystaan sidii qaxootiga ...
DAANYEER Daawo Muqaalka”weligaa ma aragtay daanyeer wax iibsanaayo hadana baaqiga aan ka tageeynin YAABKA ADUUNKA
- Jun 18, 2013
https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=AZ2YAFBOJzo
stock-footage-murderer-holding-a-bloody-knife-with-blood-dripping War Deg Deg Ah:Nin Soomaali ah oo 4 qofood oo ku jiro Booliis Ingiriis ah ku mindiyeeyey masaajid ku yaal Birmingham l!!
- Jun 18, 2013
Nin Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu 4 qofood oo uu ku jiro ...
bn (Daawo Sawiro: Kulan looga hadlayay Amniga iyo waxbarashada oo maanta ka dhacay degmada Kaaraan
- Jun 18, 2013
Kulan looga hadlayay amniga iyo waxbarashada ayaa maanta ka dhacay degmada Kaaraan, kaasoo ay ...
drone-11 Kenya oo Al-Shabaab u keensanaysa Diyaaradaha Wax basaas iyo Dagaal Nooc cusub oo ay qorshaysteen.
- Jun 18, 2013
Dowlada wadanka Kenya ayaa u diyaar garoobaysa sidii ay u adeegsan laheyd diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha laheyn ...
DSC014141(1) Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta furay shirka heer qaran ee dib-u soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya
- Jun 18, 2013
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ...
1011897_596422753724298_234428687_n Isku aadka koobka gobolada soomaalida Switzerland oo la sameeyay
- Jun 18, 2013
Gudiga Qaban qaabada Koobka Xagaaga ee Soomaalida Switzerland ee Magaalada Basel ayaa maanta shaaciyay waqtiga kama ...
images (1) War Deg Deg Ah ” Gabadh Lagudilay Hargeysa iyadoo Markaa Ka soobaxday Jaamacadda
- Jun 18, 2013
Alle ha unaxariistee waxaa  xalay tooray  lagu dilay magaalada hargeysa  inan dhallinyaro ah inantaa  ...
index Qarax Khasaara ba’an geystay oo Magaallada Kismaayo lagula eegtay Ciiddamadda AMISOM (Warbixin Muhiim ah)
- Jun 18, 2013
Wararka naga soo gaaraya Magaallada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in ...
breaking_news_photo-278100040_std-300x1891-60x45 War Dag Dag Ah:Guudoomyihii Degmada Kismaayo OoLa Weeraray Iyo Saraakiil Jubaland ah Oo dhaawac kasoogaadhay weerarkaas
- Jun 18, 2013
Wararka Nagasoo gaadhaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegay In dablay hubaysan ay weerar la beegsadeen ...
Plugin from the creators of iPad :: More at Plulz Wordpress Plugins