Howl Gallo dad badan lagu soo qabtay oo laga sameeyay X/Weyne
Howlgaladaani Oo Ah Kuwa Lagu Xaqiijinayo Ammaanka Islamarkaana Lagu Soo Qab qabtay Dad Farabadan Ayaa Ciidanka Dowlada Somaaliya Waxa ay Maanta Kasameyeen Dagmada Xamar Weyne Ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka ayaa yimid Kadib Markii Xalay Bam Gacmeed Lagu Weeraray Ciidamo Katirsan Dowlada Somaaliya Oo Ku Sugnaa Dagmada Xamar Weyne Kaasi Oo Dhaawac u geystay Ciidamo Katirsan Dowlada Somaaliya.
Gudoomiya Kuxigeynka Dagmada Xamar Weyne Cabdi Qaadir Suufi Axmed Ayaa Sheegay In Ciidanka Dowlada Somaaliya Howlgallo ay ka sameyeen Dagmada Xamar Weyne Isagoona Carabka Ku Dhuftay In Howlgallada ay Ku Soo Qab Qabteen Tira Dada Oo Isugu Jira kuwa Falal Amni Dari kawaday Dagmada Iyo kooxo uu Sheegay in ay Burcad Yihiin
Gudoomiya Kuxigeynka Dagmada Xamarweyne Cabdi Qaadir Suufi Axmed Ayaa Shacabka Ku nool Dagmada Xamar Weyne Ugu Baaqay In ay Lashaqeyaan Ciidanka Dowlada Somaaliya Islamar ahaantaana ay Soo Wargaliyaan Cid Kastoo Qorsheyneyso In Falal Amni Dari ay Ka Geysato Dagmada Xamar Weyne
Dhawaan Ayaa Ciidamo Katirsan Dowlada Somaaliya Waxa Aay Howlgalo Lagu soo Qab qabtay dad farar Badan Ka sameyeen Dagmada Xamar Weyne Ee Gobolka Banaadir Iyadoona Howlgaladaasi Maamulka Dagmada Xamarweyne uu Ku Micneyay Mid Lagu Xaqiijinayo Amaanka Dagmadaasi.
