Created by Miguel Pinho
SOMALI LINKS

Boob Loo geestay Dukaamo Soomaalidu ay Ku leeyihiin Koofur Afrika

24 Kii saac ee aan Ka soo Gudubnay waxaa Boob Xoogan Loo geestay illaa 17 Dukaan oo Soomaalidu ay ku leeyihiin Dalka Koofur Afrika kuwaas oo dhamaan Hantidii Tiilay La boobay.

Boobkaan ayaa Yimid Kadib Markii Buliisku ay billaabeen in ay U raadiyaan Dukaamada Soomaalida Sharci ay ku shaqeystaan taas oo aan horay Loo raadin Jirin balse iminka ay isku howlayaan Ciidamada Buliiska dalkaasi.

Arimahaan oo dhan ayaa waxa ay Imaanayaan xilli Goor dhow Lagu wado in Soomaalidu ay la kulmaan Safiirka Soomaaliya ee  waddankaasi kaas oo ay ka wada hadli doonaan dhibaatada waddankaasi Loogu geesto Soomaalida iyo sidii Tirakoob Loogu sameyn lahaa Soomaalida ku nool dalkaasi Koofur Afrika.

Dalka Koofur Afrika ayaa Lagu tiriyaa wadamada dadka ugu badan ee Soomaalida ah ay ku qaxeen hadana Caqabadaha ugu badan ay kala Kulmaan iyadoo Soomaalida dalkaasi ay daris La yihiin Dil, Boob iyo Handadaad.

 

KHAATUMONEWS.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>