Madaxweyne Xasan sheekh oo sheegay In Midowga Yurub shirweyne ay u qabanayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa Sheegay in Sanadkaan Gudihiisa Midowga Yurub uu qabanayo Shir Looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaga iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo Ku sugan Magaalada Brussels ee Waddanka Belguimka waxa ay halkaasi kulamo kula qaateen Masuuliyiin Ka tirsan Ururka Midowgga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Sheegay in Sanadkaan dabayaaqadiisa uu  Midowga Yurub Qabanayo Shir Ballaaran oo Looga hadlayo arrimaha Soomaaliya shirkaas oo uu sheegay in Looga hadlayo qorsho Lagu dhisayo dalka Tobanka Sano ee Soo socota.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya Xilligaan ay Ku Jirto Xilligii Gar gaarka ay U baahneed islamarkaana dowladda Soomaaliya ay Ku guda Jirto sidii Looga samata bixin Lahaa  loona Gaarsiin lahaa Heer dib u soo Kabasho ah Taas oo uu sheegay in ay Ku imaan karto iskaashi Shacabka iyo dowladda Dhexmara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Sidoo kale Sheegay in uu Heer Gaba gabo ah uu Marayo Miisaaniyadda Midowga Yurub  ay ugu tala gashay sanadihii aan Ka soo Gudubnay oo Mardhow ay U furmeyso Miisaaniyadda Kale isagoo sheegay in codsi dheeraad ah oo dowladda ay U baahantahayna ay Gudbiyeen.

Sikastaba Madaxweynaha ayaa sheegay in ay isku afgarteen qodabadii uu kala hadlay Madaxda Midowga Yurub ee Kaalintooda kaga aadan Soomaaliya.

 

KHAATUMONEWS.COM


Khaatumo News Online Kala soco wararkii ugu Dambeeyey

Nagala Xidhiidh E-mail ka waa - info@khaatumonews.com Ama Khaatumo.net@gmail.com

FIKIRKAAGA KA DHIIBO HALKAN HOOSE(0)




206845_281646148648227_1352292910_n War Deg Deg Ah: Caqil Rer Khaatumo Ah Oo Maamulka Somaliland Ku Xidhay Magaalada Laascaanood
- Jun 18, 2013
Wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Maanta mar kale xabsiga la ...
Warbixin:ku saabsan dhimasho iyo dhaawaca dagaal markale ka qarxay xerada qaxoontiga ee kaakuma
- Jun 18, 2013
8 ruux ayaa ku dhintay tiro kalena wayku dhaawacantay dagaal ka socday xalay ilaa ...
images (4) Barnaamij kusaabsan iibka Seylada Xoolaha Degmada Widhwidh iyo Inta Uu Marayo Kala iibsiga Xoolaha Nool by Abdi Ciro
- Jun 18, 2013
maraan  saaka  booqanay  seylada xoolaha  e degmada  widhwidh ayaan idikasoodiyaarinay halka uumarayo kal iibsiga ...
dhadhaab-500x333(1) Qorshe ay Kenya ku doonayso inay dib ugu soo celiso Qaxootiga Soomaaliya oo meel wanaaagsan maraya.
- Jun 18, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa ka dalbatay wadamada Asia in ay gacan ka gaystaan sidii qaxootiga ...
DAANYEER Daawo Muqaalka”weligaa ma aragtay daanyeer wax iibsanaayo hadana baaqiga aan ka tageeynin YAABKA ADUUNKA
- Jun 18, 2013
https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=AZ2YAFBOJzo
stock-footage-murderer-holding-a-bloody-knife-with-blood-dripping War Deg Deg Ah:Nin Soomaali ah oo 4 qofood oo ku jiro Booliis Ingiriis ah ku mindiyeeyey masaajid ku yaal Birmingham l!!
- Jun 18, 2013
Nin Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu 4 qofood oo uu ku jiro ...
bn (Daawo Sawiro: Kulan looga hadlayay Amniga iyo waxbarashada oo maanta ka dhacay degmada Kaaraan
- Jun 18, 2013
Kulan looga hadlayay amniga iyo waxbarashada ayaa maanta ka dhacay degmada Kaaraan, kaasoo ay ...
drone-11 Kenya oo Al-Shabaab u keensanaysa Diyaaradaha Wax basaas iyo Dagaal Nooc cusub oo ay qorshaysteen.
- Jun 18, 2013
Dowlada wadanka Kenya ayaa u diyaar garoobaysa sidii ay u adeegsan laheyd diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha laheyn ...
DSC014141(1) Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta furay shirka heer qaran ee dib-u soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya
- Jun 18, 2013
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ...
1011897_596422753724298_234428687_n Isku aadka koobka gobolada soomaalida Switzerland oo la sameeyay
- Jun 18, 2013
Gudiga Qaban qaabada Koobka Xagaaga ee Soomaalida Switzerland ee Magaalada Basel ayaa maanta shaaciyay waqtiga kama ...
Plugin from the creators of iPad :: More at Plulz Wordpress Plugins