Created by Miguel Pinho
SOMALI LINKS

Gabaygii Guuguule : Ninkii Gaal Ku Naa Loonayoow Goosayoo Cararye – Ingiriiskii Waa kaa Kabaxay Geesna Kaamaraye (Akhriso Gabayga).

Ninkiigaal ku naa loonayoow goosayoo cararye.
Ingiriiskii waa kaa kabaxay geesna kaamaraye.
Goblan bay ka joogaan waxay gaardi tumayeene.

=====         ========        =============

Goosashaan rabnaadii lawaa loo gablayn jiraye.
Guuguulaha sidiisii miyaa galabta loo ooyay..

=====       ========        ==============
Gabal baa inoo dumay miyaa lays garawsiiyay.
Go aamadii kasoo baxay miyaa goobta laga sheegay.
Gantaal iyo miyay kugu noqdeen godob xanuun keedu

=====     ========      ================
Nin garaadle wuu garanayaa geyiga khatumo state.
Googooyn inaan lagu wadayn ooy gudoon tahaye.
Garaabayste yaal baa lahaa waa go aan adage.

=======     =======        ===============
Geedigii negaayaye maxaa galabta loo sheegi.
Shacabkii maxaa lagu garayn way gadoodeene.
Gaawe buuxa gaane laga lisiyo godolkii beenoowye
Gar gaarada kuwii bixin jiraa geedi kaa raraye.

=======       =======         ==============
Gelbiskii xoriyadii miyaa galabta soo muuqday?
Lixdankii miyaa lagu galaday guule sooceliye.
Go aan kuna ma xamarbaa ileen waa gedeediiye?
Gelbiyoo markale keena oo nabad usoo guuxa darawiishey.
Hadii kale gidaarkaa hardiya goolku kaadhalaye.

Abwaan Abdirisaaq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>