Qiisaba qiiseey keenta markana waa sheekadii Hubaal caashaq iyo hinnaaso dumar qeybti 10aad

Ayaa uu maqlay Aqamkii salaadii Casirka Misaajidkii ayaa uu ku leexday jameecadii salaadii la tukatay markii uu salaadii dhameeyey ayaa uu labo Rakacadood oo sunna ah uu tukatay rabigana ka baryey in albaab qeyr qaba u furo markii uu ducada dhameystay oo uu soo istaagay ayaa waxaa jeebkiisa ka soo dhacay Mobilkiisii inta uu soo qabtay ayaa uu gacanta ku dhuujiyey oo niyada iska yiri bal fiiri manta oo dhan in aan Mobile qaali ah aan sito lama socdo waa in aan isaga iibiyaa oo aan caawa Hotel ku degnaa.

Markiiba albaabkii ayaa uu soo abaaray waxa uuna la kulmay wadaad kabihiisa la inta uu kabihii la raadiyey ayaa uu u soo helay markii uu gacanta ka saaray ayaa uu ka dhaqaaqay markii uu labo tallaabo hore u sii qaaday ayaa uu dib u soo noqday oo uu odoygii ku yiri.

Maslax:

Adeer adiga oo iga raali ah magaalada miyaad degan tahay

Odoygii:

Haa wiilkey yaad rabtay oo aad raadineysay

Maslax:

Maya adeer ma ii sheegi kartaa meesha lagu iibiyo mobilada celiska

Odoygii:

Waxaan filayaa magaalada waad ku cusub tahay ma Nayroobi ayaad u socotay oo lacagta ayaa kaa go’day

Maslax:

Maya adeer Nayrobi uma socon laakiin ee magaaladaaan ayaan qof ka soo raadiyey qofkiina waan waayey oo inuu magaalada ka guuray ayaa la ii sheegay xaaskeygana waa ay ila socotay magaalada qof kale kama aqaan lacagtiina waa ay iga go’day marka Mobilkeyga ayaan iibinayaa si aan maalmo ugu sii noolaano.

Odoygii:

Oo magaalada in aad ku noolaadaan miyaad dooneysaa mise waxaad tihiin masaafo

Maslax:

Maya adeer masaafo ma nihi haddana waxba ma dhaano maxaa yeelay Siraad iyo aniga guurkeena lama ogoleyn waalidkey ayaa aad ugu soo horjeestay gurigiina iga soo eryey markaan ku adkeystay in aan gabar kale aanan guursaneynin balse aabaheeda ayaa isu gay ogolaaday iguna yiri waan kugu mehrinayaa xaaskaaga meeshaad doonto la aad marka sidaas ayaan saaxiibkey u soo miciin biday oo magaalada deganaa Hey’adna u shaqeynayey nasiib daro isaga magalada waa uu ka guuray.

Odoygii:

Wiilkeygiyoo si fiican ayaan kuu fahmay manta haddii aad Mobilkaan aad iibiso 3 cisho ka badan kuma haynayo adiga nin rag ayaa tahay xataa misaajidka waad iska seexan kartaa laakiin ma ka fikirtay gabarta kula soo socoto oo xaaskaaga ah.

Maslax:

Haa adeer waa welwelka I heysta

Odoygii:

Ka waran wiilkeyga hadaan xaafadeyda idiin geeyo inta aad meel ka helaysaan

Maslax:

Maya adeer cidna ma doonayo in aan culeys ku noqdo

Odoygii:

Gurigeyga waa guri weyn culeysna iguma tihiin xaaskeyga waa qof fiican oo soo dhaweyn leh dhaqankeena quruxda badan iyo diinteena macaan ayaa qabto in musaafirka loo gargaaro waa ku baryayaa ha igu diidin.

Maslax inta uu madaxiisa hoos geeyey ayaa uu ku yiri

Maslax:

Waa tahay adeer mana doonayo in xaaskeyga ay ogaato in ninkaan soo raadiyey uu magaalada ka guuray maxaa yeelay murug ma rabo in ay gasho ok hore noo wad maqaayo halkaan ayaa ay fadhisaa oo aan ka mareynaa laakiin adeer magacaaga.

Odoygii:

Haa wiilkeyga magaceyga waa Xaaji Faarax adigana wiilkeyga

Maslax:

Maslax adeer

Sidii ayaa la isku raacay oo la abaaray halkii ay Siraad joogtay markii ay aragtay Maslax ayaa ay ku tiri

Siraad:

Maxaa ku helay waad soo raagtay waan cabsaday

Maslax:

Maxaa dhacay in aan lumay miyaad moodeysay

Siraad:

Shire ma soo heshay

Maslax:

Maya oo Nayrobi ayaa uu jiraa laakiin odoy banaanka taagan ayaan gurigiisa tageynaa oo aan misaajidka isku baranay ilaa inta uu ka imaanayo 14 maalin kadib waa uu imaanayaa.

Siraad dareenkeeda ayaa is badalay Maslax oo dareemay ayaa yiri

Maslax:

Igu kalsoonaaw magaaladaaan in aan kaaga xamaalo oo aan noloshaada ku filnaado waa hamiga kaliya ee aan qabo ee ii dhiib alaabta anigaa qaadayo soo bax.

Siraad inta ay madaxa luxtay ayaa ay hore u soo soctay waxaana la baray Xaaji Farax waxana loo huleelay gurigiisii intii jidka lagu sii socday ayaa uu xaajiga qoyskiisa kaga sii faaloonayey Sirad murug cidii aragta ka dareemi karta ayaa heysay oo waxa ay ka welwelsaneyd nolosha ay magaaladaan ka heli doonto sida ay ahaan karto markiiba xaafadii ayaa la tagay Xaajiga oo ka horeeyey ayaa baray xaaskiisa Faadumo oo uu ku yiri waa qolo magaalada ku cusub qol ha loo diyaariyo Faadumo oo aheyd qof fiican ayaa durbadiiba hablaheeda ku amartay in qolka martida la diyaariyo biyo musqul loo geeyo Siraad qolkii markii tagtay oo ay dharkii ay iska bixisay oo ay qubeysatay ayaa waxaa u yimid Maslax oo Xaajiga la hadlaayey markii uu soo galay ayaa ay tiri.

Siraad:

Miyaadan qubeysaneynin

Maslax:

Macaanta maxaa la qubeystaa wax kale iska daayee Macawis xataa ma wato go’ haddii aad heyso I sii si aan ugu soo qubeysto.

Siraad:

Oo meeyey boorasadaadii mise baabuurkii ayaad kaga timid

Maslax:

Sow la maadan socon in aan wax sidan oo aabe shandadii xataa uu iga soo reebtay

Siraad:

Waxay ila aheyd in aad boorso sidatid balse dhib malaha Go’ ayaan kuu soo bixinayaa dharkana anigaa iminka kuu dhaqayo.

Siraad markiiba shandadii ay furtay oo ay raadis u gashay go’ haddiiba ay soo qaadatay base nasiib wanaag waxaa qalbigeeda ku soo dhacay in ay mucaawis u heli karto oo ay ku jirto dharkii ay dooneysay in ay ku ogaado in dooqooda uu mid yahay inta ay u soo jeesatay ayaa ay ku tiri.

Siraad:

Mucawis ayaan kuu heli karaa maxaad ka faleysaa go

Maslax:

Sidee mise si qaldan ayaa ay boorsadaada ku soo gashay

Siraad inta ay boorsadii yareyd soo qabatay ayaa ay furtay oo ay ka soo saartay mucawis bacdeeda ku xeran oo ay ku tiri.

Siraad:

Waa hadiyad aad rabay in aan ku siiyo habeenka aqal galkeeda waa labo sed oo lebis & hal macawis laakiin farxadii aan filaayey ma aysan ahaan.

Siraad markii ay inta tiri ayaa ay ilin soo dhaaftay Maslax oo aan ka fogeyn ayaa inta uu soo qabtay laabtiisa geliyey oo uu ku yiri.

Maslax:

Waxba ha ka murgin tani amar inoo qornaa ayaa uu ahaa waanse hubaa in aan farxad aan ku siin karo ee igu kalsoonaaw.

Siraad:

Kalsoonida aan kugu qabo ayaaba keentay in aan ku soo raaco balse gabar walba in loo heeso oo loo cayaaro ayaa ay jeceshahay balse aniga maalmahaan is daba yaacayo maalin waan ku lahaan waayey in la ii ciyaaro.

Maslax:

Macaanta wax walba madax adeega aabahey ayaa ay ku dhaceen aniga in aan kaa bixiyo inta gabar laga bixiyo oo laguu cayaaro waa ay iga go’neyn.

Siraad:

Maya Maslax waalidkaa waxba nooma dhimin balse waa waalidkey kuwii faraxadeyda hor istaagay aabahey weligey waan isku haleyn jiray hooyadey inuu iiga dhow yahay ayaan qabay bal fiiri halka uu I dhigay qeyrkey sow igama reebin.

Maslax:

Maya Siraad taa kuguma raacsani waayo aabahaa waa aabe faraxadaada ka shaqeeyey maxaa yeelay fiiri ninka aad jecleyd ayaa uu kugu mehriyey sideee ayaa uu faraxadaada ku hor istaagay mowduucaas macaanto naga xer aad ayaan u daaalan nahay in aan nasano weeyey.

Maslax inta uu dhunkatay ayaa uu macawistii xertay oo uu musqusha abaaray markii uu soo qubeystay ayaa ay labadoodaba galeen hurdo.

Kala soco jimco kaasto sheekadan waxeeyna u gaar tahay khaatumonews.com insha alaah


Khaatumo News Online Kala soco wararkii ugu Dambeeyey

Nagala Xidhiidh E-mail ka waa - info@khaatumonews.com Ama Khaatumo.net@gmail.com

FIKIRKAAGA KA DHIIBO HALKAN HOOSE(0)




untitled War Deg Deg Ah:DAAWO+VIDEO;-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Digniin U diray Maamulka Somaliland Ee Kusugan Laascaanood iyo xaalad cusub oo sookorodhay
- Jun 20, 2013
Garaad Jaamac garaad Ismaaciil  oo kamid ah isimada  Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn ee ...
154 Dawladaha Ethiopia & Masar Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafkii Biyo-Xidheenka Ethiopia Ka Dhisayso Blue Nile-Ka Ee Ka Dhex Taagnaa
- Jun 20, 2013
Ethiopia iyo Masar ayaa waxa ay isku waafaqeen inay sii wadaan wada hadalo ku ...
bbaqdin Daawo Muqaal:laga soo duubay Meelaha ugu halista Badan Caalamka. “Digniin Waa Cabsi” 20/06/2013
- Jun 20, 2013
HALKAN KA DAAWO MUQAALKA
Madaxweynaha 1(3) Madaxweyne Xasan “Al Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka mana naga leexin karaan howlaha nabadeynta”
- Jun 20, 2013
Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlayey qaraxii iyo weerarkii ...
YYYYY Daawo Muqaalka : Soo Dhaweyntii m/weynaha maamulka khaatumo iyo waftidi uu hogaaminayay ee gaadhay dalka kenya
- Jun 20, 2013
Waxaa Maanta  Magaalda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya soo Gaadhay Wufuuf uu Hogaaminayo Madaxwayne ...
warbixin ku saabsan : Qaraxii muqdisho iyo cida lagu tuhmayo
- Jun 20, 2013
Qaraxii Iyo Weerarkii Xafiiska UNDP Waxa Uu Xoojiyey Shakigii Laga Qabay Somaliland Iyo Xiriirka Ka Dhaxeeya Al-shabaab ...
DSC04745 Daawo Sawirada:-Waftidii Madaxda Khaatumo Ee Soogaadhay Nairobi
- Jun 19, 2013
Waxaa Maanta  Magaalda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya soo Gaadhay Wufuuf uu Hogaaminayo Madaxwayne ...
images (5) War Deg Deg Ah: Al-Shabaab oo sheegtay weerarki UNDP ku Dileen Rag Cadaana
- Jun 19, 2013
Kooxda  Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka ismiidaaminta ee maanta lagu qaaday Xarunta UNDP ee ...
ilmo yar ayeey uur u yeelatay Haweeney Uur u yeelatay Ilmo yar!! (Sidee bay ku dhacday?)
- Jun 19, 2013
Haweeney 36 jir ah oo Newzeland u dhalatay ayaa Uur u yeelatay Wiil yar ...
GetAttachment Sheeko cajiib ah: Milyan Dollar baa lagu xaraashayaa 7 Buug oo Madaxweyne leeyahay!! Waa kee?
- Jun 19, 2013
Xarun Iibinta Xaraashka ah ka shaqaysa oo New York ku taala ayaa soo bandhigtay ...
Plugin from the creators of iPad :: More at Plulz Wordpress Plugins