Created by Miguel Pinho
SOMALI LINKS

China oo Malaayiin Dollar ugu deeqeysa Howlgalka nabad sugida Afrika

Dowlada China iyo ururka midowga Afrika ee AU ayaa saxiixday heshiis ah  in la taageero howlaha nabad ilaalinta ee ay midowga Afrika ka wadaan qeybo kamid ah wadamada Afrika

“Heshiiskan dowlada China waxaa ay bixin doontaa lacag dhan 80 million yuan oo udhiganta ($12.8 million) si looga taageero holwaha logistika ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika” ayaa lagu sheegay bayaan kasooa baxay midowga Afrika jimcihii shalay

“Heshiiskan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha China Hu Jintao uu balanqaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo wadamada Afrika”ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka

Heshiiskan ayaa waxaa lagu saxiixay xarunta weyn ee midowga Afrika oo ah caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababa.

“tani waxaa ay naga caawinaysaa howlgalkeena Soomaaliya, oo hada aynu galayno wajiyo cusu,” ayuu sheegay Erastus Mwencha oo ah gudoomiye kuxigeenka golaha commission-ka midowga Afrika, oo warsaxaafadeedka ku saxiixanaa.

Bishii November ee sanadkii 2011-ka  China, oo dhistay xarunta cusub ee midowga Afrika caasimadda Ethiopia eeAddis Ababa ayaa bixisay lacag dhan 17 million yuan ($2.7 million) si loogu gar gaaro ciidamada Uganda.

Gargaarkaas ayaa waxaa kamid ahaa in ciidamada Uganda laga saacido howlgalkeeda Soomaaliua, ee lagula dagaalamayo Shabaab laguana difaacayo dowlada Soomaaliya.

China ayaa kamid ah wadamada qarashka ugu badan ku bixiya howlgalka Amisom ee Soomaaliya, gaar ahaan Uganda oo ay saaxiibo dho

_____________________________________

John dalton(Office Nairobi Khaatumonews.com)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>